Maxkamad ku Taal Mareynkanka oo Xukun adag ku Riday labo Haween Soomaali...

Maxkamad ku Taal Mareynkanka oo Xukun adag ku Riday labo Haween Soomaali ah

0
SHARE

Maxakamad ku taal dalka mareykanka ayaa xukun ku riday labo haween Soomaali lagu eedeeyay inay lacago u uruurinayeen Kooxda Al-Shabaab.

Labada haween oo lagu kala magacaabo Muna Osman Jama oo 36-jir ah, iyo  Hinda Osman Dhirane, oo 46-jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay qadka Internet-ka lacago ugu uruuriyeen Al-Shabaab.

Muna ayaa waxaa lagu xukumay 12 sanno oo xabsi ah, halka Hinda Osman lagu xukumay 11-sano oo xabsi ah, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha

“Dumarka ma aysan diidin in ay dhaqaalo ku taageereen Al Shabaab, ayna internet-ka ka sameeyeen qol lagu sheekeysto si Al Shabaab loogu taageero lacag”, sidaasi waxaa yiri xeer ilaaliyaha.

Qareenada Difaacaya Muna Cusmaan Jaamac iyo sidoo kale Hinda Cusmaan Dhiirane ayaa sheegay in lacagaha  ay u direen dad kunool Soomaaliya oo aan aheyn Shabaab.

Ma ahan markii u horeysay ee Maxkamad ku taal Mareykanka ay xukuno ku riday haween lagu eedeynayo inay lacago u uruuriyaan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY