Muuqaal >Soo Dhawayntii Wafigii Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya ee Cadado,iyo Ujedka Socdaalkiisa

Muuqaal >Soo Dhawayntii Wafigii Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya ee Cadado,iyo Ujedka Socdaalkiisa

0
SHARE

HM__Cadaado Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa iyo xildhibaano ka tirsan Labada Gole Dowladda Fededraalka ayaa waxa ay maanta gaareen magaalada Cadaado oo xarun kumeel gaar u ah maamulka Galmudug.

 

Wafdiga wasiirka ayaa waxaa ka mid ah xildhibaano laga soo doortay Galmudug oo isugu jira Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose, waxaana ka mid ahaa Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Xildhibaan Mahad Salaad iyo Xildhibaan Dhegdheer.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug ahna ku simaha Madaxweynaha Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in Wasiirks arrimaha gudaha uu booqashadiisii ugu horeeysay uu ku yimaado dowlad goboleedka Galmudug.

Hoos ka Daawo Muqaalka

 

LEAVE A REPLY