Ogaysiis Xaflada Soo Dhaweynta Madaxweyne Farmaajo ee UK

Ogaysiis Xaflada Soo Dhaweynta Madaxweyne Farmaajo ee UK

0
SHARE

HM_Xafiiska London Waxaa Magaalada London ee dalka ingiriiska ka socda qaban qaabada soo dhawaynta Wafdiga Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) ee horaanta bisha May ku tagi doono Boqortooyada Brtain.

Shirka London Somalia Conference, waxaa uu dhacayaa 11 bisha May ee sanadka 2017, waxaana ka soo qeyb-gali doona, madax ka kala socota dhamaan wadamada Bariga Africa, marti sharaf iyo shaqsiyaad ka kala socda hey’adda caalamiga ah.

Shirka waxaa diirada lagu saari doonaa:

1-      Xaqiijinta ammniga

2-      Dib-uhabeynta siyaasada iyo dowladnimada

3-      Hormarinta dhaqaalaha

4-      Heshiisyo cusub

Sandkii 2011, dalka Soomaaliya waxaa ku dhuftay Abaaro saameeyay degano badan oo ay maamulayeen Shabaab, waxaana abaartaasi ay galaafatay nolosha dad badan, sidoo kale isla sanadkaasi waxaa jiray afduubyo ay geysanayeen kooxaha burcad badeeda.

Soomaaliya ayaa kasoo kabatay dhibaatooyinkaasi, kadib markii sanadkii 2012 la dhameystiray dowladnimada Soomaalidda, waxaana biloowday hannaanka federaaliisamka, sidoo kalana ay Ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay la wareegeen magaalooyin badan.

Shirka Londan, ayaa waxaa uu muhiimad gaar ah u leeyahay taageerada ummadda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY