To News Xog:- Ciidamo ka Tirsan Galmudug oo Hoteel ku Yaal Gaalkacyo...

To News Xog:- Ciidamo ka Tirsan Galmudug oo Hoteel ku Yaal Gaalkacyo kala Baxay nin Ajnabi ahaa Dhawayn Kadibse Maxa Dhacay?

0
SHARE

HM__Xafiiska  Gaalkacyo>  Hawulgal Qorsheysan oo ay  Gaalkacyo ka Fuliyeen Ciidanka Nabad Sugida Dowlad Gobaleedka Galmudug  aya Waxa Hotel Ka Mida Hotelada ku Yaal Dhanka Galmudug lagala Baxay Nin Ajaanib ahaa oo Ciidanka Nabad Sugida Dowlad Gobaleedka Galmudug ay ku Raad Joogeen kaasi oo ay ku tuhunsanayen in uu Xiriir la Leeyahay Kooxda  Daacish.

Hawulgalkan oo Dhacay Subax Xiliga hore Saacada Soomaliya aya Ninkan oo asal ahaan ka Soo Jeeda  Yaman Waxa lagala Baxay  mid ka Mida Hoteelada ku Yaal Dhanka Galmudug , inkastoo Saxaafada aysan ka Helin Xog dheraad ah  aya Warbaahinta Hobyomedia.com Xafiiskeeda Magaalada Gaalkacyo waxa ay Xiriiro kala Duwan ay la Sameysay ilo Wareedyo  iyo Sarakiil muhiim ah kuwaasi oo aanu ka soo xiganay in shaqsigasi ay la baxeen Ciidanka Nabad Sugida Galmudug

Ninka ay la baxeen Ciidanka aya waxa la Socday sida Xog aanu helnay ay  inoo Xaqiyeen labo ruux oo iyaguna asal ahaan ka soo jeeda yaman kuwaasi oo ilaa iyo hada aanan la helin  halka ay jaan iyo cirib dhigeen ,

Lama Xaqijin Halka lagu Hayo ninka ay Kaxaysteen Ciidanka Nabad Sugida Galmudug Balse Hawulgalkan  aya aha mid sir ah  taa oo keentay in saxafada aysan wax  war ah ka  helin , isla markana ,

Meeqa Maalmood ayay Hotelka Dhagnayeen Niman 

Baaris iyo Warayso kala  duwan oo aanu la Yeelanay ilo wareedyo muhiim ah oo isugu jira saraaiil ciidan iyo sidoo kale xog ogaalo ayaa Hobyomedia.com u sheegay in ninka la qabtay iyo raga la socday ay hotelka dagnayen wax ka yar hal usbuuc kadibna  arintan subax hore ay dhacday mana jirin warar   kale oo media ay heleen

Xagee lagu hayaa Ninka ajnabiga ah 

Baaritaano kala Duwan oo Ay Sameysay Shabakada Wararka Hobyomedia.com uma Suuro galin in la ogaado halka lagu hayo ninkaasi balse waxa xogtii ugu danbeysay ay shegaysa in ninkaasi  uu ku jiro gacanta ciidanka dowlad gobaleedka galmudug ,faah faahino kale sarakiisha wali ma bixin wayna adag tahay in xog la helo madama Saraakiisha Qaarood ay ka Gaabsanayan in arintan la ogaado

Sikastaba Ha  ahaatee Arintan aya  ku soo Beegmaysa iyadoo Dhanka  Puntland ee Waqooyiga Gaalkacyo ay ka Bilowden Hawulgalo kala duwan oo hoteelo baaris lagu sameynayo waxana  shacabka gaalkacyo iyo dad  badan oo gobalka ku sugan aysan wax war ah aysan ka heynin hawulaga ka socda magaalda gaalkacyo madama dadka ay ka daaleen hadal haynta ah  hawulgalo la sameyay iyo dad la xir xiray

Xafiiska Qaybta Dabagalka iyo Baaritaanka Wararka 

Wixii Warar ah oo ku soo kordha dib ayaan idin kugu soo daabici doona Haduu alle idmo 

LEAVE A REPLY