Warar ku saabsan Doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug

Warar ku saabsan Doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug

0
SHARE

Diyaar Garowgii ugu dambeeyay ee doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ka socota Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa 10 Bishaan in ay doortaan Madaxweyne cusub , waxaana ka harsan 9 Maalmood oo keliya.

Waxaa jira Musharaxiin badan oo u taagan xilka Madaxtinimada maamulka Galmudug, kuwaa soo Olalahooda ka wadda Magaalada Muqdisho.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta lagu wadaa in ay u gudbiyaan Xildhibaanada Galmudug Jadwalka Doorashada.

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa  si weyn uga doodi doona Jadwalka ay keeneen Guddiga Doorashada.

Maamulka Galmudug ayaa hadda waxaa hoggaamiya Madaxweyne kuxigeenka maamulkaasi ka dib markii Madaxweynihii maamulkaasi uu isku casilay Sababo Caafimaad owgeed.

LEAVE A REPLY