Wasiir ka tirsan dowlada Britain oo socdaal qarsoodi ku yimid Muqdisho (Daawo...

Wasiir ka tirsan dowlada Britain oo socdaal qarsoodi ku yimid Muqdisho (Daawo Sawirro)

0
SHARE

Wasiirka ciidamada qalabka sida ee UK Mike Penning ayaa maalmo ka hor socdaal aan la shaacin oo qarsoodi ahaa ku yimid magaalada Muqdisho.

Safiirka dowlada Britain u fadhiya Somalia Devid Concar ayaa bartiisa Twitterka ku xaqiijyey booqashada Mike Penning.

Wasiirkan ayaa kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada Britain, kuwa UN-ka iyo kuwa AMISOM ka jooga Muqdisho, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira amaanka iyo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Mr. Mike Penning ayaa sidoo kale kulan la qaatay abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee Somalia Jen. Cali Baashi oo ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan xoojinta iyo dib u dhiska ciidanka XDS.

Lama sheegin kulamo dhexmaray Wasiirka ciidamada qalabka sida ee UK Mike Penning iyo madaxda sare ee dowlada Soomaliya intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.





LEAVE A REPLY