Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Gaaray Cadaado ,Arinta Dorashada Galmudug oo laga...

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Gaaray Cadaado ,Arinta Dorashada Galmudug oo laga Wada Hadli Doono

0
SHARE

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa gaaray Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Dowlad Goboleedka Galmudug,waxaana Socdaalka Wasiirka ku weheliya Xildhibaanno ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya,.

Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa loo gelbiyay Madaxtooyada Cadaado,waxaana halkaas ay kula kulmi doonaan Madaxda Maamulka Galmudug si looga wada hadlo Arrinta Doorashada oo Dowladda Dhexe iyo Galmudug ay isku Khilaafsan yihiin.

Galmudug ayaa sheegtay in Doorashada Madaxweynaha aysan dib u dhigi doonin oo ay Qaban doonaan Tobanka Bishaan oo ku beegan Isniinta soo socota.

LEAVE A REPLY