DAAWO MUUQAAL:-Quwadaha Adduunka Oo Shidaalka Soomaaliya U Ordaya

DAAWO MUUQAAL:-Quwadaha Adduunka Oo Shidaalka Soomaaliya U Ordaya

0
SHARE

Soomaliya waxaa faraha kula jira dalal shisheeye oo aan tiradooda la aqoon. Somaalida waxay badanaa xooga saartaa dalalka Afrikaanka ah sida IGAD iyo dalalka deriska oo laga yaabo in fara gelintoodu aad u yar tahay marka la bar bar dhigo caalamka. Soomaaliyaa waxaa ku sugan ciidamo shisheeye oo aan tiradooda la aqoon iyo weliba dalalka ay ka kala socdaan, kuwaasoo cir iyo dhul bad iyo barri siday doonaan ugu tamashleeya danahoodana uga fushada.

Marka laga soo tago ciidamada qarsoodiga ah ee u dagaalama ururada Islaamiga ah sida Alqaacida iyo kuwa ka soo horjeeda ee loo yaqaano aragagixiso la dirirka, xittaa kuwa sharciyeysan ee Amisom lama yaqaano tiradooda saxda ah.

Shirka London waxaa isugu timid wax ka badan 40 dal oo kala u jeedo ah. Lama hayo meel ay ku shireen oo ay ku qaateen aragti mideysan oo ay Soomaaliya wax ugu qabanayaan. Halkaas waxaan ka fahmi karnaa in dal walba u yimid danihiisa gaarka ah.

Hoos ka Daawo Muqaalka

 

LEAVE A REPLY