Daawo Sawirada Dowalda Soomaliya oo Lagu Wareejiyay Diyaarado Drones ah

Daawo Sawirada Dowalda Soomaliya oo Lagu Wareejiyay Diyaarado Drones ah

0
SHARE

Sarkaal hore oo Maraykan ah ayaa ka taageeraya booliska Soomaaliya  si looga hortago weerarada dhimashada leh ee Al-Shabaab ay gaystaan.

 Deeqdan ayaa imanaysa xilli ay dowlada Maraykanka ay kordhisay weerarada meleteri ee Al-Shabaabka lagu hayo iyadoo Dhowaan askari maraykan ah lagu dillay soomaaliya,  Waana markii ugu horaysay ee askari maraykan ah lagu dillo soomaaliya ilaa iyo sanadkii 1993dii

Diyaaradahan ayaa ah shan drones oo qaarkood habeenkii shaqayn doonaan waxaana ugu deeqay Brett Velicovich kaasoo ciidamada Militariga Mareykanka kala shaqeeyo soo saaritaanka “Drone Warrior” waxaana bisha soo socoto laga soo daabici doonaa Buug.

“Waxaa jira korar dhab ah oo ku yimid weerarada dhismooyinka” ayuu 33 jirkan yiri, isaga oo dusha ka saaran sar islamarkaana eegaya caasimadda Muqdisho, xilli diyaaradda drone-ka ee meel aan ka fogeyn heehaabeysay, intii lagu guda jiray afar maalmood oo tababar la siinayey booliska Soomaaliya

Shaqooyinka ay qaban doonaan diyaaradahaan waxaa kamid ah inay kormeer ku sameeyaan meelaha ay Al-Shabaab ku dhuumanayaan, si loo soo helo madaxda ugu sareyso isla markaasna loo duqeyn lahaa waqtiga ugu haboon.

Mintidiinta Al-Shabaab ayaa lumiyey magaalooyin iyo xaafado badan oo ku yaal Geeska Africa waxaana Casimadda Muqdisho laga saaray sanadkii 2011, inkastoo ay weli soo qaadaan weeraro ismiidaamin ah oo aad halis u ah.

Qaraxyada ay Al-Shabaab sameeyeen sanadkii lasoo dhaafay ayaa waxaa ku dhimatay 723 qof iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeyn 1,116 qof oo Soomaali ah sida ay warbixin kusoo saartay think-tank Sahan Research, sidoo kalana waxya daabacday in 193 qof la dilay lana dhaawacay 442 sanadkii 2015.

Al-Shabaab ayaa si xooli ah u isticmaasho bombooyin kala duwan iyo kuwa la isku rakibay si ay uga hor tagaan weerarada uga imaanayo ciidamada Xoogga Soomaaliya.

Ururka xafiiskiisu yahay Magaalada Washington ee loo yaqaan Bancroft ayaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed siin doono tababar ku aadan sida ay u isticmaali lahaayeen diyaaradaha Droneska ah ee la siiyey, waxaana laga qaadi doonaan imtixaan.

Waxaan kusoo shaqeeyey dhowr kala duwan oo drones-ka Mareekanka ah,m haddana waxaan arkaa Technologiyad midaas la mid ah oo suuqa taalaa” ayuu yiri Velicovich kaasoo Shaqooyin noocaan ah kasoo qabtay   Iraq iyo Afghanistan.

LEAVE A REPLY