Daawo Sawirada india oo Dhacdo la Yaab leh ay ka Dhacday

Daawo Sawirada india oo Dhacdo la Yaab leh ay ka Dhacday

0
SHARE

Ugu yaraan 29 ruux ayaa dhimatay ka dib markii ay dabayl xoog badani ku dumisay darbi iyaga oo ka qayb qaadanaya aroos ka dhacayay waqooyiga India.

Qiyaastii 26 ruux oo kale ayaa ku dhaawacantay dhacdadan oo ka dhacday degaanka Bharatpur oo ah degmo ka tirsan gobolka Rajasthan, 15 ka mid ah dadkaas ayaana dhaawacyo halis ah qaba sida ay sheegeen dhaqaatiirtu.

Magaalada Bharatpur oo ah meesha ay arrintan ka dhacday waxay 200km dhanka koonfureed ka xigtaa mgaalada Delhi.

Dadkan ayay dhibaatadu soo gaartay iyaga oo darbiga kaga gabanaya roob xoog badan oo duufaan la socotay.

Warbaahinta dalkaas ayaa ku warramaysa in darbigaas ay dhinac safnayd cuntadii martida arooska loogu talagalay.

Saraakiil Booliiska ka tirsan ayaa laga soo xigtay in dabayl xoog badan ay dumisay darbiga dadka waxyeeleeyay.



LEAVE A REPLY