DAAWO SAWIRADA:-Kenya oo xariga ka jartay Khad Tageen ah oo isku xiraya...

DAAWO SAWIRADA:-Kenya oo xariga ka jartay Khad Tageen ah oo isku xiraya Mombasa iyo Nairobi

0
SHARE

Dowladda Kenya ayaa xariga ka jartay tareen casri ah oo isku xiraya magaalooyinka Mombasa iyo Nairobi, kaasoo dhismihiisu socday muddo saddex sano iyo bar.

Qadkan Tareen ayaa waxaa dhistay dowladda Shiinaha, waxaa ku baxay lacag gaareysa saddex bilyan oo dollar, taasoo dowladda Kenya ka soo amaahatay Shiinaha.

Mustaqbalka Tareenkan ayaa la rajeynayaa inuu isku xiro wadamada bariga afrika, hase ahaatee wajigiisa u horeeyay ayaa maanta lagu daah furay Mombasa iyo Nairobi.

Safarka Tareenkan ee Mombasa iyo Nairobi ayaa qaadanaya muddo afar saacadood kaliya, halka gawaarida caadiga ah ee rakaabka dadweynaha uu qaadan jiray illaa 12 saacadood.

Wajiga labaad ee dhismaha ayaa lagu wadaa in tareenkan uu isku xiro dalalka dersika la ah Kenya sida Suudaanta Koonfureed, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Burundi iyo Rwanda.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo uu wehliyay kuxigeenkiisa William Ruto ayaa ka qeyb galay munaasabada xarig jarida Tareenkan oo xarumihiisu yihiin kuwo aad casri ah.

Uhuru Kenyatta ayaa ka mid ahaa rakaabkii soo raacay tareenkan oo saaka ka soo dhaq dhaqaaqay magaalada Mombasa, kuna socday magaalada Nairobi.

Waa mashruucii ugu ballaarnaa ay dowladda Kenya hirgeliso tan iyo markii ay qaadatay xornimada.

LEAVE A REPLY