Daawo Sawirada: Madaxwene Farmaajo oo Maanta Ubax Xasuus ah dhigay Taalada SYL...

Daawo Sawirada: Madaxwene Farmaajo oo Maanta Ubax Xasuus ah dhigay Taalada SYL ee Muqdisho

0
SHARE

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ubax xasuus ah dhigay taalada SYL ee magaalada Muqdisho, xili maanta si weyn loogu dabaal degayay munaasabada 74- guuradii kasoo wareegtay markii la aas aasay Ururka dhalinyarada SYL .

Madaxweyne Farmaajo Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale ayaa kasoo lugeeyay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxa ayna socod kusoo gaareen halka ay kutaalo taalada SYL oo ku dhaw Villa Soomaaliya.

Farmaajo ayaa Ubax xasuus ah dhigay Taalada SYL , waxa uuna sheegay Madaxweynaha in uu ku faraxsan yahay xuska munaasabadan ku weyn umada Soomaaliyeed, waxa uuna hambalyo u diray dhalinyarada Soomaaliyeed.

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka ayaa maanta lagu qabtay munaasabado balaaran oo lagu xusayay 15-ka may oo ku beegan maalintii la aas aasay Ururka dhalinyarada gobanimadoonka Soomaaliyeed ee SYL.






LEAVE A REPLY