Daawo Sawirada Maxkamad xukuntay masuul sare oo lagu helay inuu aflagaado u...

Daawo Sawirada Maxkamad xukuntay masuul sare oo lagu helay inuu aflagaado u geystay Diinta Islaamka

0
SHARE

Barasaabka magaalada Jakarta ee dalka Indonesia ayaa lagu xukumay labo sano oo xabsi ah, ka dib markii lagu helay inuu aflagaadeeyay diin uuna kiciyay rabshado.

Basuki Tjahaja Purnama, oo caan ku ah Ahok ayaa ahaa qofkii koowaad ee asalkiisu Shiinays yahay ee Kiristaan ah ee maamula caasimadda Indonesia, arrintaas ayaana loo arkayay inay tijaabo u tahay dulqaadka diimaha ee dalkaas.

Waxaa lagu eedeeyay inuu caayay diinta Islaamka isaga oo soo hadal qaaday aayad Quraanka Kariimka ka mid ah xili uu jeedinayay khudbad uu ku ololaysanayay.

Purnama ayaa diiday in uu aflagaadeeyay ama wax u dhimay diinta Islaamka, isagoo maxkamadda jooga ayuuna sheegay inuu racfaan ka qaadan doono go’aankan.

Hadalka uu horay u jeediyay ayaa aad uga caraysiisay shacabka wadanka Indonesia oo ah dalka ay ku nool yihiin muslimiinta ugu tirada badan caalamka.

Mudaaharaadyo waawayn ayaa ka dhacay dalkaas kuwaasoo ku baaqayay in maxkamad la soo taago masuulkan, qaar xagjir ahna waxayba ku baaqeen in la dilo.

Go’aanka maxkamadda ka hor dad mudaaharaadaya oo qaarna ay ka soo horjeedaan kuwana ay taageersan yihiin Purnama ayaa isku soo arruursaday bannaanka Maxkamadda Sare ee Jakarta.

Qaar waxay dalbanayeen in xabsi dheer lagu xukumo, kuwo kalana waxay dalbanayeen in la sii daayo oo la caddeeyo inuusan gaf gaysanin.

Qiyaastii 15,000 kun oo askari oo isugu jira booliis iyo milatari ayaa sugayay ammaanka goobtaas, booliiska rabshadaha ka hortaga iyo baabuur qafilan ayaana ku kala dhex jira labada dibed bax ee kala aragtida ah si looga hortago rabshado dhexmara.







LEAVE A REPLY