Daawo Sawirada Qaraxyadii Maanta ka Dhacay Muqdisho iyo Al-Shabab oo Shegay in Saraakiil Cadaan ah lagu Dilay Qaraxaasi

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay in Gaari miineysan oo maanta ku qarxay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ay ku dhinteen saraakiil caddaan ah.

War ay soo saartay Alshabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa si farsameysan loogu xiray gaariga, ayna ku hoobteen saraakiil Caddaan ah oo miino baarayaal ahaa, iyadoo intaas ku dartay inay ka gaareen ujeedkii ay ka lahaayeen.

Warbaahinta Alshabaab ayaa sheegeysa inay miinada lagu xiray gaariga ay ahayd farsamo cusub oo ay adeegsadeen, waxayna sheegeen in shan sarkaal oo miinooyinka qaabilsan ahaana kuwo caddaan ah ay ku dhinteen qaraxa markii ay isku dayeen inay furfuraan.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane, ayaa sheegay ka hor inta aanu gaarigu qarxin, in ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada ammaanka.

Afhayeenka, ayaa intaa ku daray in gaariga uu qarxay, xilli ay miinada ka furayeen ciidamada miino baarista, oo saddex ka mida ay qaraxaasi ku dhimatay.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Axmed Cabdulle Afrax, Gudoomiyaha Degmada Wadajir, ayaa sheegay in laba nin oo gaarigaasi la socday ay ka daggeen, ka dibna ay bilaabeen in ay rasaas ku soo caabiyan ciidamada ammaanka.

Gudoomiyaha Degmada Wadajir oo la hadlay Warbaahinta, ayaa xaqiijiyay in toogasho lagu dilay mid ka mid ah labadaasi nin, halka midkii kalana uu baxsaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.