Daawo Sawirada :: Shirweyne Calami ah oo lagu Qabtay London ,Farmaajo ...

Daawo Sawirada :: Shirweyne Calami ah oo lagu Qabtay London ,Farmaajo iyo Madaxda Maamul Gobaledyada oo ka qayb Galay

0
SHARE

Shir hordhac u ahaa shirweynaha caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya oo maalinta Bari ah ka furmaya Magalada London ayaa maanta halkaas ka dhacay.

Waxaa looga hadlay doorka ururada bulshada rayidka iyo qurba joogta ku leeyihiin horumarinta Qaranka waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxda Maamul goboleedyadda iyo wakiilo ka socday beesha Caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane maxamed C/laahi Farmaajo oo shirkan ka hadlay waxa uu sheegay inay dowladu dhisayso hay’adda Qurbajoogta Qaranka si ay u fududeyso taakulada Qurba joogta ee horumarka Qaranka .

”Dowladda federaalka Soomaaliya waxay sameynaysaa Hay’adda Qurba joogta Qaranka taasoo caawinayso isla markaana fududeynaysa doorka qurba joogta ku leeyihiin horumarka dalka ” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu qiray doorka muhiimka ee ururada bulshada rayidka ay ku leeyihiin horumarka Qaranka.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn tilmaamay inuu jiro kulan weyn uu kula hadlayo Soomaalida Ingiriiska ku nool waxaana qurba joogta iyo bulshadda rayidka uu ka codsaday inay ka soo qeyb galaan.

Shirkan waxaa uu muhiim u ahaa dhegeysiga aragtida qurba joogta iyo bulshada rayidka ee horumarka dalka waxaa uu imaanaya xili maalinka Barrito ah uu Magaaladda London ka furmayo shirka caalamiga ah ee taageeradda dib dhiska, nabada iyo xasiloonida Soomaaliya.







LEAVE A REPLY