Daawo Sawirada:R.W Kheyre oo booqday xarunta Taliska ciidanka Booliska

Daawo Sawirada:R.W Kheyre oo booqday xarunta Taliska ciidanka Booliska

0
SHARE

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta booqday xarunta Taliska ciidanka Booliska Somaliyed, halkaasi oo uu kulan kula qaatay Saraakiisha ciidamada.

Booqashada Ra’iisal Wasaaraha uu ku tagay xarunta Taliska ciidanka Booliska Somaliyed, ayaa waxaa ku wehlinaayay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Xildhibaano Baarlamaanka ka mid ah.

Taliyaha ciidamada Booliska Somaliyed General C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa ku soo dhaweeyay xarunta Taliska ciidanka Booliska, halkaasi oo Salaan sharaf uu ku siiyay.

Intaasi kadib ayaa kulan gaar ah wuxuu la qaatay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Saraakiisha ciidamada Booliska oo uu ka dhageystay Warbixin la xiriirta xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada Booliska Somaliya.

Khayre ayaa sheegay inuu ka tirsanaan jiray ciidamada Booliska Somaliyed uuna ka hawlgali jiray Saldhiga Degmada Hodan, isaga oo sheegay Booliska inuu yahay ilaaliyaha sharciga iyo dadka.

Xasan Cali Khayre ayaa ciidamo ka tirsan Booliska waxa ay u soo bandhigeen gaado ka ciyaar iyo salaan sharaf ay ku siiyeen xarunta Taliska ciidamada Booliska Somaliya.

 

Khayre-318767542_1195378960584099_7040522194024962148_nKhayre-9Khayre-4Khayre-5Khayre-6Khayre-7Khayre-8

LEAVE A REPLY