Daawo Sawirro: Meydadka Soomaalidii lagu duqeeyey xeebaha Yemen oo ugu dambeyn maanta...

Daawo Sawirro: Meydadka Soomaalidii lagu duqeeyey xeebaha Yemen oo ugu dambeyn maanta la aasay

0
SHARE

meydadka Soomaali Soddon ka badan oo lagu duqeeyey labo bilood ka hor duqeyn ka dhacday Yemen ayaa maanta lagu aasay gudaha wadankaas.

Qunsuliyadda Soomaaliya magaalada Cadan ee dalka Yaman ayaa xaqiijisay in la aasay Meydadka 31 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kuwaas oo 17 Maarso 2017 lagu duqeeyay Doon ay la socdeen.

Qunsulka Soomaaliya ee magaalada Cadan Mudane Axmed Cabdi Xasan Axmed Suudaani oo magaalada Cadan ku sugan ayaa sheegay dadaal dheer ah ka dib ay ugu dambeyn maanta dowladda Soomaaliya u suuragashay in la Aaso Meydadka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu Laayay Dalka Yaman.

Axmed Cabdi Xasan Axmed Suudaani ayaa sidoo kale xusay in sidoo kale xabsiyada ay ka sii daayeen 115 qof oo isugu jira caruur, haween iyo rag oo ka badbaaday duqeyntaasi, kuwaaoo qaarkood qaba dhaawacyo kasoo gaaray weerarkaasi.

“Waxay ahayd arin aad u adag waayo halka dhibku ka dhacay waa degaan ay ka taliyaan Xuutiyiinta iyo maleeshiyaadka daacadda u ah Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax, mana jirin cid xaga dhaqaalaha naga kaalmaysay waxaan wax ku wadnay waxay ahayd xiriir aan la lahayn madaxda degaanadaas, hay`adaha dowliga ah ee wali ka howlgala dalka Yemen, waxaana mahad mudan dhamaan intii nagala shaqaysay arinkaas xanuunka badn oo ay ugu horreeyaan madaxda qaranka, hay`adda ICRC iyo madaxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Sanca, gudiga qaxootiga iyo warbaahinta” ayuu yiri Axmed Cabdi Xasan Axmed Suudaani.









LEAVE A REPLY