Dad Xoolo dhaqto ah oo lagu dilay Goor Dhow Gobolka Mudug

Dad Xoolo dhaqto ah oo lagu dilay Goor Dhow Gobolka Mudug

0
SHARE

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Saddex Qof oo Xoolo dhaqato ah lagu dilay Degaanka Saax-qurun ee Gobolka Mudug.

Dableey Hubeeysan oo la sheegay in ay ka soo jeedaan dhanka Maamulka Puntland ayaa Saddexda Ruux oo ahaa Xoolaleey ku dilay Tuulo Hoostagta Degaanka Saax-qurun ee Gobolka Mudug,waxaana ay dhaawaceen mid kale.

Xalay ayey aheyd markii Meel u dhow Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug lagu dilay Labo Wiil oo Walaalo ah,iyadoo Maalmihii dambe ay soo badanayeen Dilalka ku saleysan Aanada Qabiil ee ka dhacaya Gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY