Deg Deg Madaxweynaha Maamulka galmudug oo Goordhaw Soo Gaaray Muqdisho, Shirar...

Deg Deg Madaxweynaha Maamulka galmudug oo Goordhaw Soo Gaaray Muqdisho, Shirar Hoose oo maanta Dhici Doona

0
SHARE

HM__Xafiiska Muqdisho Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa goordhaw kasoo degay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaana lagu wadaa in ay la kulmaan Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xaaf ayaa safarkaan uu maanta ku yimid Magaalada Muqdisho waxa uu noqonaya Kii ugu horeeyay ee ku yimaado Magaalada Muqdisho isagoo madaxweyne ah waxa uuna la kulmi doonaa madaxda Dowlada Dhexe ee Soomaaliya Hogaamiyaashi ayaa ka wada hadli doona Arimaha Shirka london ee Soomaaliya looga hadli doono.

Xaaf ayaa dhanka kale waxaa la filayaa in uu la kulmo beesha Caalamka kuwaasi oo Madaxweynaha Galmudug ka codsaday in ay kulamo la qaataan,

Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa waxaa la doortay Arbacadii todobaadkaan waxa uuna ka guuleystay 3 murashax oo kale, waxa uuna ku soo baxay 54 cod.

LEAVE A REPLY