DHAGEYSO: Faahfaahin dagaal Khasaare geystay oo ka dhacay degaanka Baar

DHAGEYSO: Faahfaahin dagaal Khasaare geystay oo ka dhacay degaanka Baar

0
SHARE

Sida ay hobyomedia.com  u sheegeen Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan dagaal khasaare geystay oo u dhaxeeyay labo beelood oo walaalo ah ayaa maanta ka dhacay degaanka Baar oo 30 KM u jira Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ahaa Mid xooggan ,islamarkaana geystay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dhinacyada dagaalamaya ayaa isku adeegsanayay qoriga Ak47 ah, dagaalkana wuxuu saameeyay degaanka Baar oo dadkii joogay ay ka carareen, si rasaasta aysan khasaare uga soo gaarin.

Gudoomiyaha ku xigeenka Arimaha Bulshada gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cusmaan  ayaa  ugu Baaqat in Maleeshiyaadka dagaalamaya ay dagaalka joojiyaan ,islamarkaana ay nabadda qaataan.

Hoos ka Dhageyso Codka 

LEAVE A REPLY