Dhageyso Galmudug oo ka Hadashay Dagaalo Beleedyo Wali ka Socda Deganada Galmudug...

Dhageyso Galmudug oo ka Hadashay Dagaalo Beleedyo Wali ka Socda Deganada Galmudug , iyo Ciidamada al-shabab oo la Shegay in ay ka Qayb Qadanayan

0
SHARE

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo maanta ka dhacay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalkan oo udhaxeeyay beelo wada degaana Labi Caano oo ku dhow magaaladda Dhuuso-mareeb ayaa waxaa uu geystay dhimasho iyo dhaawac aad ubadan.

Ku dhawaad lix qof ayaa lasoo sheegayaa iney dhinteen halka ilaa 10 qof uu dhaawac kasoo gaaray dagaalkaas oo saacadihii lasoo dhaafay socday ,Warara ayaa sheegaya in dagaalaan uu ku bilowday aanooyin qabiil  waxaana lasoo sheegayaa in xaaladu ay walli kacsan tahay.

Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Galmudug Maxamed Cali Cilmi ayaa ka hadlay dagaalka dhacay xaalada Guud iyo khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, Gudoomiyaha ayaa dhanka kale ka hadlay sababta keentay dagaalka socda iyo waxa uu salka ku hayo guud ahaan,

Hoos ka Dhageyso Codka 

 

LEAVE A REPLY