Dhageyso Galmudug oo Sheegtay in Dad laga Soo Afdubtay Galmudug loo Kaxaystay...

Dhageyso Galmudug oo Sheegtay in Dad laga Soo Afdubtay Galmudug loo Kaxaystay Dhanka Deganka Kaxandhale oo Dagaalo Horay ay uga Dhaceen

0
SHARE

Wararka ka imaanayaDagmada Galinsoor Ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maleeshiyo Hubeysan ay Meel u dhow Degaanka Galinsoor ay ka Afduubteen Labo Haween ah oo kamid ahaa dadka Reer Guuraaga ah ee ku nool Gobolka Galgaduud.

Labada Haweenka ah ee la Afduubtay ayaa ka tirsanaa Dadka Xoolo Dhaqatada ah ee ku nool Duleedka Gobolka Galgaduud.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka DagmadaGalinsoor ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Hablaha ay u maleynayaan in loo Afduubtay Arrimo la Xariira Aano Qabiil,waxaana ay hoosta ka Xariiqeen in lala aaday Dhanka Degaanka Kaxandhaale oo ku yaalla Xadka Gobolka Mudug iyo Itoobiya ,Gudoomiyaha Dagmada Galinsoor ee gobolka Galgaduud Cali Saciid Axmed Cabdulle ayaa waxaa uu sheegay in Maleeshiyaad hubeysan ay Afuubteen labo haween ah oo kunoolaa Miyiga degaanka Galinsoor.

Hoos ka Dhageyso Codka 

 

LEAVE A REPLY