DHAGEYSO: Gudoomiyeyaasha 5 degmo oo xilka la wareegay

DHAGEYSO: Gudoomiyeyaasha 5 degmo oo xilka la wareegay

0
SHARE

HM__Xafiiska Muqdisho Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabado ay xilalka kula wareegaayeen Qaar ka mid ah Gudoomiyeyaasha Cusub ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Munaasabadaha xil Wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Gudoomiyeyaasha Maanta xilalka la wareegay ayaa waxa ay kala ahaayeen Gudoomiyeyaasha degmooyinka , Xamarweyne, Shangaani, Wartanabadda, Dharkeynleey,Waabari iyo Kaaraan.

 Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Saalax Sheekh Maxamed oo qeyb galay Munaasabadihii xil wareejinta ayaa waxaa uu kula dardaarmay Gudoomiyeyaasha Cusub ee degmooyinka in ay muujiyaan isku xirnaan.

Dhanka kale Gudoomiyihii Hore ee degmada Wartanabadda Yaasiin Nuur Ciise ayaa waxaa uu sheegay in degmooyinka ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo ku saabsan dhanka ciidamada , islamarkaana maamulka degmada dhibka ugu badan uu kala kulmo Ciidamada joogga degmada oo aan isaga ka amar qaadan.

 

LEAVE A REPLY