Dhageyso Madaxweynaha Galmudug maxuu ka Aaminsan yahay Xildhibanada iyo beelaha sida tooska...

Dhageyso Madaxweynaha Galmudug maxuu ka Aaminsan yahay Xildhibanada iyo beelaha sida tooska ah uga Soo Horjestay Madaxweyne Farmajo iyo Xukumadiisa

0
SHARE

HM__Xafiiska gaalkacyo iyadoo Dhawaan ay soo ifbaxeen Xildhibaano , siyaasiyiin iyo odayaal ka soo horjeestay Dowlada Soomaliya isla Markana ku tilmaamay Dowlad arimo kale ka wadata hogaaminta Dalka ayaa Waxa markii ugu Horeysay arintaasi ka Hadlay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug ahmed Ducaale Gelle Xaaf

Madaxweynaha Galmudug aya Shegay in xilkan aan loo baahnay in dowlada lagu furo dhibaato horleh madama dowlada ay la tacalayso culasyo iyo dagaalo ku furan waxana uu codsi u diray xildhibaanda dowlada ka soo horjeeday isagoo ugu baaqay in madaxweynaha iyo dowlada la siiyo waqti fiican oo xaalada ay ay wax badan uga badli karaan

Waxa uu sheegay in xiligaan aan loo baahneen in la mucaarado dowladda Somaaliya,maadaama ay tahay mid Cusub oo aan wax badan jirin una baahan intii la dhaliili lahaa in waqti badan la siiyo sida uu hadalka u dhgay ,Sidoo kale waxa uu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in hada dowlada Somaaliya bilooyinkii yaraa ay jirtay wax badan qabtay fursad kaliyana ay u baahan tahay.

Hoos ka Dhageyso Codka 

LEAVE A REPLY