Dhageyso Maxkamada Ciidamada oo Digniin adag u Jeedisay Masuuliyinta Dowlada iyo...

Dhageyso Maxkamada Ciidamada oo Digniin adag u Jeedisay Masuuliyinta Dowlada iyo ilaaladooda Kadib Dilkii Wasiir Siraaji

0
SHARE

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ka hadlay dilkii Wasiir Siraaji ayaa sheegay in Saddex Askari ay u xiran yihiin dilkiisa, kuwaasi oo ku eedeysan in ay ka dambeeyeen.

Waxa uu sheegay Guddoomiye Shuute Askarta dishay Wasiir Cabaas in ay ilaalo u ahaayeen Hanti-dhowrkii Guud ee Qaranka, Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo Golaha Wasiirada ay xil ka qaadis ku sameeyeen, inkastoo uu ka soo horjeestay.

Sdioo kale waxa uu sheegay in ay socdaan baaritaano dhab, oo lagu ogaanayo shaqsiga sida saxda ah ugu dambeeyay dilka Wasiirkii Howlaha Guud, si aysan u dhicn deg deg, lana hubiyo cadaalada.

Hoos ka Dhageyso Codka 

LEAVE A REPLY