Dhageyso Qilaaf u Dhaxeya Sarakiisha Ciidamada Maamulka Galmudug oo Gaaray Meel Sare...

Dhageyso Qilaaf u Dhaxeya Sarakiisha Ciidamada Maamulka Galmudug oo Gaaray Meel Sare (La Soco Sababta keentay Arintaasi)

0
SHARE

Taliyaha Hoggaanka Ciidanka Booliiska Galmudug Cabdisaal Khaliif oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in xiligaan Booliiska Maamulka Galmudug uu yahay mid kala qeybsan islamarkaana sidii la doono loo maamusho.

Waxa uu sheegay in Ciidamada Booliiska Maamulka Galmudug ay yihiin kuwo usoo dulqaatay dhibaatooyin farabadan islamarkaana haatan ay weli diyaar u yihiin in ay dalkooda iyo dadkooda u shaqeeyaan.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in ay jiraan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska Galmudug ay xiligaan Wadadii saxda aheyd ay ka leexdeen islamarkaana kala qeybinayaan ciidamada iyagoo ku qaraabanaya magacooda,saraakiishaasna ay yihiin kuwo u baahan in wax laga qabto.

Hoos ka Dhageyso Codka 

LEAVE A REPLY