Dhageyso Ra,iisul Wasare Kheyre oo ka hadlaya Amni darada iyo dowlada soomaliya...

Dhageyso Ra,iisul Wasare Kheyre oo ka hadlaya Amni darada iyo dowlada soomaliya talaabooyinka ay qadayso

0
SHARE

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa waxa uu sheegay Xukuumada in ay bilowday wax ka qabashada arrimaha Amniga.

Waxa uu sheegay Xukuumada in ay la timid Talaabooyin cad cad oo wax looga qabanayo Amniga, maalmahan dambana la fashiliyay Qaraxyo lala beegsan rabay shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay canshuurtii dalka laga qaadayay in ay korortay oo ay ku korortay Qasnada Dowladda, si mushaarka loogu bixiyo, wuxuuna tilmaamay in ay soo ifbaxayaan talaabooyin ifafaalo leh. ,

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay Dowladnimada iyo hormarka shacabka in uu dhow yahay, loona baahan yahay in laga sii shaqeeyo, maadaama talaabooyinkii ugu dambeeyay lagu guda jiro.

Hoos ka dhageyso codka

 

LEAVE A REPLY