Dhageyso Shir u Dhaxeyay Dowlada Soomaliya iyo Maamul Gobaleedyada oo Muqdsho lagu...

Dhageyso Shir u Dhaxeyay Dowlada Soomaliya iyo Maamul Gobaleedyada oo Muqdsho lagu Soo Gaban Gabeyay Faah Faahino Dheraad ah

0
SHARE

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya Waxaa  lagu soo gaba gabeeyay shir u dhaxeeyay Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada dalka oo maalin ka hor furmay Magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa intii uu socday waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo u kuurgalayay qaabka uu shirka u socday iyo waxyaabaha looga hadlayay.

Sahro Cali Xasan oo ah La taliyaha Wasiirka Wasaaradda Dastuurka oo Akhrisay war-murtiyeed ka soo baxay shirkan ayaa waxa ay sheegtay muhiimada in ay aheyd sidii Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada dalka ay u wada shaqeyn lahaayeen.

Wasiirka Wasaarada Dastuurka xukuumada Soomaaliya Abuukaate C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa isna dhankiisa sheegay in diyaarinta Dastuurka ay ku dhameyn doonaan mudo Labo sano ah

Hoos ka Dhageyso Codka 

LEAVE A REPLY