Dhageyso Xiisad Dagaal oo U Dhaxaysa Malayshiyaad Kasoo Kala Jeeda Galmudug Iyo...

Dhageyso Xiisad Dagaal oo U Dhaxaysa Malayshiyaad Kasoo Kala Jeeda Galmudug Iyo Puntland Oo Ka Taagan Bariga Gobalka Mudug, Dad ku Dhawacmay Weeraro la Soo Qaday iyo Odayaasha oo Fariin Diray

0
SHARE

HM_Xafiiska Gaalkacyo Xili Saacadihii Ugu danbeeyay Deegaano dhaca Bariga Gobolka Mudug ay ka jirtay Xiisad Udhaxaysa Maleeshiyaad reer Miyi ah oo Galmudug Iyo Puntlan ka soo kala jeeda Ayaa Wax Garadka Gobolka Mudug Qaarkood oo La hadlay  hobyomedia.com ay ku baaqayaan in Maamulada Gobolka ee Galmudug Iyo Puntland Looga Baahanyahay Inay ka hortagaan Inay Xiisaddan isku Badasho Gacan Ka hadal ama dagaal Saameyn ku yeesha dadka dariska ah.

Baaqa nabadeed ee Wax garadka Gobolka Mudug ayaa Imaanaya kadib Markii Galinkii danbe ee Maalinimadii Arbacada Maleeshiyaad la sheegay inay ka tiryihiin Puntland Aaga Deegaanka Sarjimaale ka Geysteen Weerar Sababay dhaawac Hal ruux oo kasoo jeeda Galmudug Sidoo kalana ay kaxaysteen Geel uu la joogay Ninka La dhaawacay.

Inta Badan isku dhaca Maleeshiyaadka hubaysan ee dhex mara Xoolo dhaqatada ayaa ka ka bilowda Kala dhaca Geela iyo dhul daaqsimeedka oo La isku Qabto.

Hoos ka Dhageyso Codka 

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.