DhageysoFaahfaahin Maxa ku Soo Kordhay Dagaalo Culus oo Maanta ka ka Dhacay...

DhageysoFaahfaahin Maxa ku Soo Kordhay Dagaalo Culus oo Maanta ka ka Dhacay Baladweyne

0
SHARE

Sida ay hobyomedia.com  u sheegeen maamulka gobolka Hiiraan dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Maleeshiyo beeleed ayaa manta ka dhacay Xaafadda howlwadaag ee Magaalada Baledweyne .

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ahaa mid xoogan , islamarkaana hubka noociyadiisa kala duwan la isku adeegsanaayay.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Ciidamada dowladda Soomaaliya ay isku dayeen in ay halkaasi ka dhisaan Saldhig,islamarkaana Maleeshiyaadka ay ka horyimaadeen,Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa bilaabay howlgallo ka dhan ah Koox lagu magacaabo Westland oo dhibaato ku heysa Shacabka kunool Magaalada Baledweyne.

Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada gobolka Hiiraan Sheekh Cusmaan Xuseen Cali ayaa Risaala u sheegay in uu jiro khasaare ka dhashay dagaalka.

Hoos ka Dhageyso Codka

 

LEAVE A REPLY