Faah Faahino Qaabka uu u dhacay Dil Muqdisho loogu Gaystay mid ka...

Faah Faahino Qaabka uu u dhacay Dil Muqdisho loogu Gaystay mid ka Mida Ergooyinka Galmudug ku soo doortay Xildhibaanada

0
SHARE

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xaafada Al-baraka oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho waxay ku dileen saacado ka hor mid ka mid ah ergooyinkii ka qeyb qaatay doorashadii xildhibaanada baarlamanka ee lagu qabtay magaalada Cadaado.

Sayid Cali Cismaan Abtidoon oo ah ninka la dilay ayey wararku sheegayaan iney rasaas ku fureen kooxo bastooladoku hubeysan oo weerar ku soo qaaday.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in raga dilka geystay ay markiia goobta ka baxsadeen, iyadoo marxuumkuna uu ku naf baxay isla goobta lagu dilay.

Shalay ayey aheyd markii degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho lagu dilay Ugaas C/qaadir Farey oo ka mid ahaa ergada Xildhibaannada dowladda Federaalka ah ku soo dooratay Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Bay.

Dilalka lala beegsanayo ergooyinka iyo odayaashii dhaqanka ee ka qeyb qaatay doorashooyinkii xildhibaanada federaalka ayaa mudooyinkan ku soo badanayey Muqdisho

LEAVE A REPLY