Fah Fanino Dheerad ah : Xiisad Dagaal oo ka Tagan Galgaduud...

Fah Fanino Dheerad ah : Xiisad Dagaal oo ka Tagan Galgaduud iyo Ciidamo ka Soo Goostay Ahlusunna oo ku Biiray Galmudug

0
SHARE

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud waxaa ay sheegayaan in maanta xiisad Dagaal ay ka taagantahay Gobolkaasi.

Xiisada waxaa ay si gaar ah uga taaganeed Deegaanka la yiraahdo Deegaanka Mareer guur oo u dhaxeysa Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusa mareeb.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa ku soo waramaya in xiisadda ay ka dhalatay kala shaki soo kala dhex galay Ciimada Ahlusunna oo 3 ka mid ah ay ugoostayn Dhinaca Galmudug.

Wararka aan heleyno ayaa intaa ku darayo in maamulka Ahlusunna ay Maanta Xireyn Ciidamo Ka tirsan Maamulkooda oo la aaminsan yahay in ay wax ka ogaayeen goosashada ciidankaasi.

Maamulka Ahlusunna iyo Saraakiisha Ciidamada weli kama aysan hadlin Arrintan Maanta ka taagneyd Gobolka Galgaduud.

La soco wixii soo kordha insha allah

LEAVE A REPLY