Masuuliyiinta Dowlada Soomaliya iyo Madaxda Maamul Gobaledyada oo Cadado ku sii Qul...

Masuuliyiinta Dowlada Soomaliya iyo Madaxda Maamul Gobaledyada oo Cadado ku sii Qul Qulaya si ay uga Qayb Galaan Caleema Saarka Madxweynaha Galmudug

0
SHARE

Diyaar garow ku aadan caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug ayaa laga dareemaaya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa kusii qulqulaya Ergooyin lagu casuumay in ay ka qeyb galaan Caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug.

Sida ay Risaala u sheegeen saraakiil ku dhow Madaxtooyadda Galmudug Maanta ayaa lagu waddaa in Mas’uuliyiin kala duwan oo qeyb galeysa Caleema Saarka in ay gaaraan Magaalada Cadaado.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu waddaa in uu kasoo Ambabaxo Magaalada Kismaayo ,islamarkaana uu gaaro Magaalada Cadaado.

Sidoo kale Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaliya Mudane Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa maanta tagaya Magaalada Cadaado.

Ammaanka Magaalada Cadaado ayaa Aad loo adkeeyay.

Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle ayaa waxaa la doortay Saddexdii Bishaan , waxaana looga fadhiyaa in uu ka shaqeeyo midnimada Shacabka degan gobolada Dhexe.

LEAVE A REPLY