Wasiirka Arrimaha Dibadda Germany oo Muqdisho soo gaaray

Wasiirka Arrimaha Dibadda Germany oo Muqdisho soo gaaray

0
SHARE

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Germany  sigmar gabriel ayaa Hadda ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho,waxaana la socda Wafdi Heer Sare ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar ayaa garoonka ku soo dhaweeyay Wasiirka,waxaana hadda u socda Kulamo ay Albaabadu u xiran yihiin.

Sigmar Gabriel ayaa sidoo kale ah Kuxigeenka Hogaamiyaha Germany Angela Merkel,waana Wafdigii ugu heersareeyay oo ka socda Germayn oo Soomaaliya yimaada dan iyo waxii ka dambeeyay Burburkii Dowladdii dhexe.

LEAVE A REPLY