Al-Shabaab oo Muqdisho ku dilay Nabadoon Caan ah (Aqriso Magaciisa)

Al-Shabaab oo Muqdisho ku dilay Nabadoon Caan ah (Aqriso Magaciisa)

0
SHARE

Kooxo hubeysan ayaa xalay waxa ay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ku dileen Nabadoon si weyn looga garanayay Degmadaasi.

Dilkan oo si gaar ah uga dhacay Buundada Ansalooti ee Degmada Waaberi ayaa waxaa fuliyay Dhalinyaro ku hubeysneyd Bastoolado sida ay sheegeen Dadka Degaanka.

Mid ka mid ah Ehelada Marxuumka ayaa xaqiijiyay dilka Nabadoonka, oo lagu magacaabi jiray Nabadoon Maxamed Sheekh Abuukar.

Ciidamada ammaanka ee ka hawlgala Degmada Waaberi, ayaa daqiiqado ka dib gaaray halkii uu falku ka dhacay, xilli ay baxsadeen Dableyda.

Saacado ka hor oo isla xalay ah ah magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Wadajir waxaa lagu dilay C/laahi Cilmi Nuur, oo ka tirsanaa qeybta Caafimaadka ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Masuuliyadda dilka Laba Xidigle C/laahi Cilmi Nuur waxaa sheegtay ururka Al Shabaab.

LEAVE A REPLY