Daawo Kulan Saraakiisha Galmudug iyo Puntland ku Dhax Maray Gaalkacyo Maxaa looga...

Daawo Kulan Saraakiisha Galmudug iyo Puntland ku Dhax Maray Gaalkacyo Maxaa looga Hadlay?

0
SHARE

Maamulka  Puntland iyo dowlad goboleedka Galmudug ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Gaalkacyo, shirkaas oo gogol xaar u ah wada hadal toos ah oo maalin berito labada dhinac u bilaabandoono.

Kulankaan oo ka dhacay dhinaca Galmudug ayaa masuuliyiinta labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii looga wada shaqeyn lahaa loona xoojin lahaa amniga iyo nabad galyada gobolka Mudug.

Wasiirka deegaanka Puntland Cali Cabdullaahi Warsame oo wafdiga Puntland hogaaminaya ayaa ugu baaqay dadka reer Gaalkacyo inay dhammaantood u istaagaan sidii looga shaqayn lahaa nabada, walaaltinimada iyo isdhexgalka.

Wasiirka arrimaha gudaha Galmudg Maxamed Xayir Nuur ayaa sheegay in la isku afgartay qodobada looga hadlidoona shirka berito ka furmidoona Gaalkacyo.

Hoos ka Daawo

LEAVE A REPLY