Daawo Sawirada Garoonka Diyradaha Hobyo oo ay ka Soo Dagtay Diyraarad Gaar...

Daawo Sawirada Garoonka Diyradaha Hobyo oo ay ka Soo Dagtay Diyraarad Gaar ah oo ay Wateen Sarakiil ka Socday UNKa iyo Madaxd ka Socotay Galmudug

0
SHARE

Saraakiil ka socota Qaramada midoobay ayaa maanta booqasho ku tagay magaalo xeebeedka Hobyo, wafigaan oo isugu jiray Ajnabi iyo Soomaali ayaa kasoo dagay garoonka diyaaradaha Hobyo.

Maamulka degmada iyo madax kale ayaa kusoo dhaweeyey garoonka, waxayna booqdeen goobo badan oo ay ka mid tahay dekada Hobyo.

Ujeedada safarka saraakiishaan ayaa lagu sheegay u kuurgalidda amniga Hobyo, oo la filayo in dhawaan laga fuliyo mashaariic farabadan.

Wafdiga ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta Galmudug ee ku sugan degmada Hobyo, waxay xubnahaaan goordhow dib ugu laabteen magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY