Daawo Sawirada Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Kulan Nairbi kula Qaatay odayaal ka...

Daawo Sawirada Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo Kulan Nairbi kula Qaatay odayaal ka Socday Beesha Cali ee Mareexaan iyagoona isku afgartay arimo dhawr ah

0
SHARE

Axmed Ducaalle ayaa la kulmay gudi ka socda beesha Cali ee ka tirsan Mareexaan kulankaasi oo ahaa xog wareysi iyo kala warqaadasho labada dhinac,

Hotelka Kempinski ee Caasimada Nairobi ayuu ka dhacay kulanka Waxaana looga hadlay sidii loo saxi lahaa Qaladka beesha tabaneyso ee dhanka Galmudug,

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle ayaa beesha uga mahadceliyay qaabka wanaagsan ee cabashadooda u soo bandhigeen iyo sida ay uga go.antahay midnimada Galmudug,

Dhanka beesha ayaa madaxweynaha Galmudug uga mahadcelisay qaabilaada uu qaabilay iyo sida dhankiisa uu diyaarka ugu yahay in qaladka jira lasoco,

Xubno ka tirsan Beesha ayaa madaxweynaha uga mahadceliyay booqashada dhawaan ku tagay magaalada Cabud-waaq ee Waqooyiga Galgaduud halkaasi uusan tagin madaxweynihii ka horeeyay isaga,

Kulanka ayaa ku soo idlaaday qaab isfahan ah iyadoo lagu heshiiyay in ay socoto wada shaqeyn beesha iyo Dowlada Galmudug

LEAVE A REPLY