Daawo Sawirro: Kulan looga hadlay arrimo muhiim ah oo ka dhacay Xalane...

Daawo Sawirro: Kulan looga hadlay arrimo muhiim ah oo ka dhacay Xalane & RW Kheyre oo ka qeyb galay

0
SHARE

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo looga hadlayay fulinta qodobadii ka soo baxay shirkii London.

Waxaa kulankan diirada lagu saaray qeybta amniga iyo sidii wadajir looga shaqeyn lahaa taabagelinta heshiiska.

Qodobada looga hadlay shirka waxaa ka mid ah dib u dhiska Ciidamada Qaranka oo qeyb ka ahaa qodobka ugu muhiimsanaa ee shirkii London looga hadlay, kaasoo horey dawlada dhexe iyo maamulada Federaalka ku heshiiyeen qaabkii dib u dhis loogu sameyn lahaa ciidanka Qaranka.

Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Fderaalka iyo inta badan safiirada beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya oo ay ka mid yihiin wakiilada QM iyo Midowga Afrika u jooga Somalia iyo xubno kale.






LEAVE A REPLY