DHAGEYSO: Gaari AMISOM ay leedahay oo ku gubtay Muqdisho

DHAGEYSO: Gaari AMISOM ay leedahay oo ku gubtay Muqdisho

0
SHARE

Mid ka mid ah Gawaarida Ciidanka AMISOM ay leeyihiin ayaa duhurnimadii maanta wax uu ku gubtay Nawaaxiga Isgoyska KM4, gaar ahaan wadada aada Garoonka Aadan Cadde.

Dabka ka kacay Gaariga oo xooganaa ayaa waxaa sababay Maanso ka kacday Batariga, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidanka AMISOM.

Gaadiidka Gurmadka deg dega ah ayaa goobta gaaray, waxaana ay ku guuleysteen xilli dambe in ay damiyaan dabka ka kacay Gaariga, inkastoo Dabka uu wada qabsaday dhammaan qeybaha uu ka kooban yahay Gaariga,Taliyaha Booliska qeybta Waliyow Cadde Gaashaanle Sare Maxamed Daahir Cabdulle ayaa sheegay in wax khasaare ah uusan ka dhalan Dabkan, marka laga reebo Gaariga.

Hoos ka Dhageyso Codka 

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.