DHAGEYSO: Galmudug oo baaq u dirtay Dowlada Fadaraalka Soomaliya

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Maamulka Galmudug ayaa waxa uu sheegay roobabkii ka Da’ay Degaanada Galmudug in aysan ku filneyn shacabka ku nool Degaanada maamulka Galmudug.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug, Maxamuud Aadan Cismaan (Masa-gawaa) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay shacabka Galmudug weli in ay ku jiraan xaaladii Abaarta.

Waxa uu sheegay hadii ay yihiin masuuliyiinta Galmudug in Dowladda Federaalka, Guddiga Gurmadka Abaaraha dalka, Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Caalamiga ah in ay ugu baaqayaan ilgaar ah in ay ku soo eegaan Dowlad Goboleedka Galmudug, maadaama aysan helin roobabkii Guda ahaa,Wasiir (Masa-gawaa) ayaa hadalkan sheegay kadib kulankii Golaha Wasiirada maamulka Galmudug ee shalay, kaasi oo uu ka qeyb galay Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Hoos ka Dhageyso Codka 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.