DHAGEYSO: Kulan xasaasi ah oo dhex maray R.W Kheyre & Masuuliin Sar...

DHAGEYSO: Kulan xasaasi ah oo dhex maray R.W Kheyre & Masuuliin Sar Sare Markii Muqdisho ay Qaraxyada ku soo Bateen

0
SHARE

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka Todobaadlaha ee masuuliyiinta sare ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ku Xigeenadiisa iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka kala hadlay dardar gelinta howlaha amniga ee degmooyinka Gobolka Banaadir ka socda.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Masuuliyiinta Gobolka kala hadlay iney ka shaqeeyaan Hormarinta gobolka iyo xaqiijinta ammaanka guud ee Caasimada,Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo kulan ka dib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Khayre uu Masuuliyiinta Gobolka ugu baaqay in ay xoojiyaan wada shaqeynta Hay’addaha ammaanka ee gobolka.

Hoos ka dhageyso codka

LEAVE A REPLY