DHAGEYSO: Magaca Mid ka mid ah Ergadii xildhibaanada soo dooratay oo Muqdisho...

DHAGEYSO: Magaca Mid ka mid ah Ergadii xildhibaanada soo dooratay oo Muqdisho lagu dilay

0
SHARE

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Saaka degmada Waabari loogu geystay mid ka mid ah Ergadii Xildhibaanada kusoo dooratay Magaalada Jowhar ee Hirshabeelle.

Ninka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed Aadan, waxaana da’diiso ay aheyd 70 sano jir sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Degmada Waabari.

Gudoomiyaha ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Waabari C/wahaab Maxamed Maxamuud ayaa Saxaafadda u sheegay in dilka ay geysteen dhalinyaro ka tirsan Al-Shabaab ka dibna ay baxsadeen.

Hoos ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY