Dhageyso Mid ka mid ah Ergadii xildhibaanada Baarlamaanka ku soo Doortay Galmudug...

Dhageyso Mid ka mid ah Ergadii xildhibaanada Baarlamaanka ku soo Doortay Galmudug oo lagu dilay Muqdisho

0
SHARE

Waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay mid ka mid ah Ergadii xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ku soo dooratay magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug.

Dilkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafada Xamar-bile ee degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir, sida ay inoo sheegeen masuuliyiinta degmadaasi.

Ninka la dilay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Axmed C/qaadir Xuseen, kaasi oo xilligii la dilayay ka soo baxay Geerish ku yaalla xaafadda Xamar-bile ee degmada Warta-nabadda.

Hoos ka Dhageyso Codka 

LEAVE A REPLY