DHAGEYSO: Tirada dhaawacyada ee la gaarsiiyay Isbitaal Madiina

DHAGEYSO: Tirada dhaawacyada ee la gaarsiiyay Isbitaal Madiina

0
SHARE

Dadkii ku dhaawacmay weerarkii Qaraxa ku bilowday ee ururka Al Shabaab ay ku qaadeen Maqaaxida Pizza House oo ku taalla degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan meel ku dhow Isgoyska Zoobe ayaa la geeyay Isbitaalada ku yaalla magaalada Muqidsho.

Isbitaalada dhaawacyada la gaarsiiyay ayaa waxaa ka mid ah Isbitaal Madiina oo inta badan qaabila dadka ku waxyeelooba Qaraxyada ka dhaca Muqdisho ,Agaasimaha Isbitaalka Madiina Maxamed Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay ilaa hada in la soo gaarsiiyay dhaawacyo gaaraya 15 ruux, 8 ka mid ah dhaawacyadooda wuu sahlanaa dib ayaa guryahooda loogu celiyay, halka 7-da kalena la jiifiyay, balse mid ka mid ah ayaa ku geeryooday gudaha Isbitaalka.

Hoos ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY