DHAGEYSO: Ugaaska Beesha Xawaadle oo Eedeyn Ujeediyey Ugaaska Beesha Ceyr Kadib Dagaalo...

DHAGEYSO: Ugaaska Beesha Xawaadle oo Eedeyn Ujeediyey Ugaaska Beesha Ceyr Kadib Dagaalo beleedyo ka Socda Xadka Gobalka Galgaduud ee Galmudug iyo Hiiran

0
SHARE

Dagaalka ka socda Xadka kala qeybiya Gobollada Hiiraan iyo Gal gaduud ayaa sii daba dheeraanaya iyadoo Isbuuc kudhawaad uu socdo.

Beelaha Xawaadle iyo Habar Gidir ayaana is haya kuwaasi oo dad badan iskaga dilay Dagaalkaasi.

Qaarkood Waxgaradka ku howlanaa Daminta Xisiada Dagaal ayaa waxay sheegeen inay ka dhego adeegeen warkooda inay maqlaan Maleeshiyada diriraya.

Degmooyinka B/weyne iyo Guriceel ayaana la kala geeyey dhaawacyada iyo Meydadka dadka lagu Dilay Dagaal Beeleedkaasi.,Ugaaska Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa sheegay in Ugaaska Beesha Ceyr uu diidan yahay in la joojiyo dagaalkaasi ka socda Donyaaleey sida uu warka udhigay.

Hoos la Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY