Dowlada Somaliya Maxay ka Ogtahay wararka shegaya in Mukhtaar Roobow in uu...

Dowlada Somaliya Maxay ka Ogtahay wararka shegaya in Mukhtaar Roobow in uu isoo Dhibayo

0
SHARE

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan waxay iyana shaaca ka qaadi doontaa mowqifkeeda ku aadan Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo laga saaray liiska Argagaxisa Maraykanka lacagta dul dhigay.

War ay si hoose u heshay wakaaladda Warbahinta ayaa sheegaysa in kulan ay yeelan doonaan golaha wasiirada lagu shaacin doono in DFS iyana sidoo kale ay liiska argagaxisa ka saartay Abuu Mansuur.

Waxaa jira xiriiro badan oo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Roobow ay wada sameeyeen, waxaana lagu wadaa in Muqdisho ay kasoo degaan Abuu Mansuur oo hoggaaminaya 700 askari.

Ciidankaan waa kuwa ku ilaaliya tuulo yar oo ku taalla gobolka Bakool, waxana la filayaa in dhammaantood dhanka dowladda ay soo maraan.

Xog ayaa leh, Abuu Mansuur kaliya ayaa Muqdisho imaan doona, halka ciidankiisana la geyn doono xero ku taalla magaalada Baydhabo

LEAVE A REPLY