Dowladda Eritrea oo taageertay Qatar +War-Saxafadeed

Dowladda Eritrea oo taageertay Qatar +War-Saxafadeed

0
SHARE

HM__Xafiiska Austria Wasaaradda arrimaha dibadda ee Eritrea ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadku ay ka codsadeen in dowladda Eritrea ay xiriirka diplomaasiga ah u jarto Qatar.

 Warbaahinta Hobyomedia.com oo soo Xiganaysa   Anadolu Agency  aya lagu Dabacay  War-saxaafdeedka lagu sheegay in dawladda Eritrea ay gabi ahaanba arrintaasi ay diidday.

Eritrea ayaa sheegtay in shacabka Qatar ay wadaagaan xiriir wanaagsan, isla markaana aysan suurtagal ahayn in codsiga dalalkaasi awgii ay xiriirka u jaraan.

War-saxaafdeedka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Eritrea ayaa sheegay in madaxweynaha Eritrea uu ku baaqay in waanwaan lagu dhameeyo xiisadda u dhaxaysa Qatar iyo Dalalka ay is khilaafsanyihiin.

Dowladdaha Jabuuti iyo Senegal ayaa horay u sheegay in ay hoos u dhigayaan xiriirkii dhinaca Diblumaasiyada ee kala dhaxeeyay Qatar, walow aysan si rasmi ah ugu dhawaaqin in gabi ahaanba ay xiriirka u jareen

Dowladdaha Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Masar, Maldives, Mauratania, Libiya, iyo Yemen ayaa horay si rasmi ah u sheegay in ay xiriirka u jareen Qatar.

Warbixinta oo ku Qoran Luqada Englishka 

      Ku Xirnaw Markasta Warbaahinta Hobyomedia.com Si aad u hesho Warar iyo Warbixno Xiiso Leh    

   By Samiir Xasan Adan Wixii Talo iyo Tusaale ah noogu soo Hagaaji Emailka Samiirxasan@gmail.com

LEAVE A REPLY