Faah Faahino Ciidamada Galmudug oo Xoog ku Qaaday isbaarooyin yaalay inta u...

Faah Faahino Ciidamada Galmudug oo Xoog ku Qaaday isbaarooyin yaalay inta u Dhaxaysa …

0
SHARE

Wararka ka imaanaya Degaanada uu Maamulo Maamulka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamada Nabad Sugidda ee ka howlgala Galmudug ay Saakay Cagta mariyeen Isbaarooyin Dhowr ah oo Dadka iyo Gaadiidka lagu dhibaateyn jiray islamarkaana lagu qaadi jiray Lacago Sharci daro ah.

Isbaarooyinka la qaaday ayaa gaarayay illaa 7 Isbaaro,waxaana laga qaaday inta u dhaxeysa Galinsoor iyo Mareergur oo ka wada tirsan Gobolka Galgaduud.

Qaar kamida Odayaasha ku nool Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud oo qeyb ka ah Howlgalka lagu qaaday Isbaarooyinka ayaa sheegay in Goobihii laga qaaday Isbaarada ay la wareegeen Ciidamada Galmudug.

inta badan Maleeshiyaad aan ka amar qaadan Galmudug ayaa Isbaaro Sharci daro ah dhigta Degaanada uu Maamulo Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

LEAVE A REPLY