Madaweyne Ahmed Ducaale Xaaf oo jirsaday 60 maalmood maxaa u qabsoomay?

Madaweyne Ahmed Ducaale Xaaf oo jirsaday 60 maalmood maxaa u qabsoomay?

0
SHARE

HM__Xafiiska Gaalkacyo Madaxweynaha dowlada Galmudug Ahmed Ducale Gele Xaaf ayaa lagu doortay 3 may,2017 magaalada Cadaado EE xarunta Kmg ah EE Galmudug, Ahmed Ducale ayaa la caleemo saaray isla aakhirkii bishaas iyadoo caleemo saarkiisii ay kasoo qaybgaleen madaxdii ugu badnayd EE ka qaybgasha caleemo saar madaxweyne dowlad goboleed.

Xaaf ayaa doorashadiisi kadib safarkiisii ugu horeeyay ku tagay magaalada Muqdisho oo uu kula kulmay madaxda qaranka iyo beesha caalamka EE danaysa arimaha Somaliya, isagoo ugu sii gudbay magaalada London oo uu oga qaybgalay shirweynihii caalamiga ahaa EE loo qabtay arimaha gargaarka Somalia.

M/Wayne Xaaf ayaa Sidoo kale safarkiisii ugu horeeyay EE Galmudug dhexdeeda ku tagay magaalada Cabudwaaq oo uu ay ka jirto kala qaybsanaan dhinacyada beelaha walaaalaha ah EE wada dagan magaladaasi ” dhow cisho oo uu joogay ayuu ka bilaabay dib u heshiishiin beelaha Cabudwaaq oo u kala fadhiya afar qaybood, waxa uu ka dhisay guddiyo kala duwan oo ay kujiraan xubno katirsan Maamulka Galmudug waxa uuna u balanqaaday inuu dhaqaale iyo waqti ku bixinayo Sidii loo dhamayn lahaa is maandhaafka kajira reer Cabudwaaq dhexdooda, Madaxweynaha ayaa waxa uu idaacadaha ka sheegay inuusan soo dhisayn golo wasiiro ilaa 70 maalmood oo uu la fadhiisanayo Maamulka Ahlusunah EE gobolada dhexe EE xaruntoodu tahay magaalada Dhuusamareeb EE caasimada Galmudug,

Madaxweynaha ayaa safar dhulkaa ku tagay magaalada Galkacyo EE xarunta gobolka Mudug taasoo kala qaybisa labada maamul EE Puntland iyo Galmudug oo uu isagu madaxda ka yahay, Caleemo saarkiisii Cadaado kadib ayuu madaxweyne Xaaf la galay heshiis dhowr qodob ah oo is afgarad ah ayna wada saxiixeen Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas waxaana laisku ogaa in bisha ramadaan kadib laisugu yimaado magaalada Galkacyo si loo bilaabo heshiiskii Lagu saxiixay Cadaado Hase yeeshee waxaa imaan waayay C/wali Gaas oo u baaqday dhib kii ka dhashay weerar ay kooxda Alshabaab ku qaaday xiro ciidan oo ay daganaayeen ciidamada Punland halkaa oo ay ku laayeen dad gaaraya 70 qof oo u badan askartii daraawiishta EE Puntland.

Magaalada Galkacyo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Xaaf inkastoo uusan u gudbin dhanka waqooyi EE ay maamusho Puntland hadana waxa uu la galay tashi dadka deegaanka isagoo qadka taleefanka kula xiriiray C/wali Gaas kadibna ay isla meel dhigeen in la dhiso guddiyo ka kooban wasiiro, odayaasha dhaqanka, Maamulka gobolka Mudug, kan degmada Galkacyo iyo saraakiisha ciidanka Puntland iyo Galmudug kuwaas oo wada fadhiistay soona saaray heshiiis qodobaysan oo hor udhac ayna si wadajira usoo saareen.

Madaxweynaha Galmudug ayaa soo saaray warqad digreeto ah oo uu u magacaabay magalada Cadaado ay tahay xarunta kumeel gaar ka ah EE dowlada Galmudug EE uu maamulo, Xaaf ayaa loo malaynayaa inay arintaasi culays ku saareen reer Cadaado oo saluugsanaa caasimada Dhuusamareeb tan iyo markii la dhisay maamulka Galmudug.

Ahmed Ducaale Geele Xaaf ayaa hada ku sugan magaalada Nayroobi EE dalkaasi Kenya oo la sheegay inuu u tagay inuu la kulmo hay”addaha deeqaha bixiya iyo kuwa maalgashiga EE uu u doonayo inay Galmudug wax ka qabtaan ” Deegaanka Galmudug ayaan lahayn kaabayashii dhaqaalaha dekadaha, airpoor iyo suuq weyn oo ganacsi kasoo ay isku tiirin karto dowlada Galmudug oo aan Hada wax dakhli ah uusan soo galin marka laga reebo dowlada Somaliya oo siisa $150kun oo ay xukuumadu ku daboosho baahideeda dhaq dhaqaaqdo iyo safarada madaxda maamul goboleedka.

CAQABADAHA hor yaala dowlada Xaaf EE ay u harsantahay waqti ku dhow 22 bilood oo ahayd labadii sano EE laisku ogaa inuu dhamaystiro.

A) Xoraynta afar Dagmo-Galmudug oo ay haystaan Kooxda Alshabaab. Degmooyinka Xarardheere, Ceeldheer, Galhareeri iyo Ceelbuur.

B) Shirweyne dib u heshiisiin beelaha Ku midooobay Galmudug oo degan Hobyo, Cadaado, Cabudwaaq, Galkacyo,Balanbal, Xiraale, Bacaadweyne iyo Dhuusamareeb.

C) Dhismaha Xukuumad Tayo,aamin iyo aqoon u leh howlaha hor yaaal Maamulka Galmudug.

D) Magacaabista saraakiisha sare EE ciidanka Galmudug kuwaasoo karti iyo hufnaan leh oo lagala tashado ciidanka.

1- Heshiiska Ahlusunah waljameeca ” gobolada dhexe.

2- Heshiiska Puntland iyo Galmudug oo isku haya ceelal-tuulooyin iyo deegaano ku teedsan Galkacyo.

3- Qaadista Isbaatooyinka jidka dheer EE Galkacyo ilaa Godinlabe.

4- La dagaalanka Burcad badeeda wali fadhida marsada Hobyo.

Madaxweyne Xaaf ayay u taal howl adag oo ay oga tageen madaxdii ka horeysay oo aan waxba ka qaban deedaanka, Madaxweynaha ayaa bilowgii lasoo baxay dar dar iyo dabacsanaan uu u muujiyay dadweynaha Galmudug iyadoo baahida taal aan lagu dhamayn karin labada sano EE loo qabtay maamulkisa ayaa hadana waxaa laga sugayaa inuu diirada saaro arimaha muhimka u ah maamulkisa sida Dekada Hobyo, iyo arimaha aan kor kusoo sheegnay

LEAVE A REPLY